Home Arrimaha Bulshada Waa Kuma Gaashaanle Sare Muj.Maxamed Faarax Nuur.?……aqonyahan muxiyodin Yusuf cade

Waa Kuma Gaashaanle Sare Muj.Maxamed Faarax Nuur.?……aqonyahan muxiyodin Yusuf cade

0
SHARE

Xaasha Nin libin kaa xistiyey xumihii waa Yaab.
In qofka sooyaalkiisii taarikheed iyo kaalintiisii bulsheed la duudsiiyaa waa xaasidnimo casri ah oo inagu cusub. Edaabta tabinta ama werinta taarikhdu waa baadisooc ka fog eex iyo been-abuur. Qofka tabiyaha ahi hadii uu sifo badheedh ah u dhalan rago sooyaal qofeed ama Dhacdo ama taarikh bushed wuxu kala fogaynayaa taarikhda iyo dadkii dhaxalkeeda lahaa.

Dhalan roga taarikhdu waxa qadhmuunkeedu kuu urayaa marka sooyaal-qofeed (autobiography) burushkii wasakhda ahaa lagu muunadeeyo. waxa aan baraha bulshada ku arkay oo aan ka adkaysan waayey badheedhaha wasakhaysan ee sida tudhaal la’aanta ah loola beegsanayo gaashaanle sare oo ciidanka bilayska ka tirsan ahna taliyaha qaybta Is-gaadhsiinta ciidanka. Bal Markaan xogsaday waayeelkii xogogaalka ahaa waxa aanay ku kala baydhin qodobadan:-
#Soomaliya
#Maxamed Faarax uu ka mid ahaa Kabtan Ciidankii guul-wadayaasha ee dawladii Somaliya, aqoontiisa ciidana ku soo qaatay dalalka Kuuba iyo Ruushka. Waxa uu ka hawl-galay Magaalada Gabiley markii tobobarka soo dhamaystay.

Dhacdooyinka Xasuusta leh ee waayihiisa ciidanimo geesinimadiisa muujinaya waxa ku suntan in Markii ardaydii Qalax ku jirtay dhagaxtuureen kalidii-taliyihi Maxamed Siyaad Bare 1988kii in uu diiday amarkii ahaa in rasaas nool la dhaco ardayda. Waa dhacdadii uu ina siyaad ka yidhi “Gabiley oo lagu dhuusay ayaa soo maray” ee ardaydii Hargaysi dhagaxa la boobeen.

Sarkaalkani wuxu bulshadiisa si xeeladaysan ugu gargaaray Markii Qaxootigii Hubaynaa la soo dajiyey Agabar in uu isna dadkii deegaanka qoray ciidanka \guulwadayaasha hubna siiyey ay ku dufaacan Maalkooda iyo nafahooda.
#SNM
#Maxamed Faarax waxa uu Jabhadii SNM ku biiray 1988kii dabayaaqadisii. Markii u tagay Jabhada wuxu ku biiriyey aqoontiisi ciidanimo isaga oo hogaamin kala duwan kasoo qabtay.

Wuxu ka mid noqay taliskii Guutadii Shanaad waxkhtiyadii dagaaladi qadhaadhaa ee Kalabaydh iyo Wajaaale banka ku dhex mareen jabhada iyo faqash. Waa dagaal socday 11 maalmood oo aan fooda lakala qaadin oo gurmadka SNM-na meel kasta ka yimi. Wuxu noqday Taliyihii Aminga iyo Nabadgalyada Qaxootigii SNM oo uu kala wareegay Madaxwayne Muuse Biixi.
#SOMALILAND
Somaliland dhismihii ciidanka wax aka mid ahaa shamacdii siraatay ee u hagar baxay. Wuxu noqday taliye saldhigii ugu horeeyey ee Gabiley seeska u dhigay. Wuxu ciidamiyey dhamaan daydaygii dhul jiifka ahaa.

Wuxu noqday taliye Qaybeedkii Togdheer dagaalkii sokeeye ka bacdi. Wuxu beerkooa burcad saafi ah isku mariyey ehelkii is-dilay. Waxa xusid mudan in dadku aad u jeclaayeen kuna soo dhiiradeen in ay aaminaan amaanka dawlada iyo saldhigyadii bilayska. Waxa uu ku xigay oo hananakii oo kale kasoo hirgaliyey Sanaaag oo dadku aad u xasuustaan edaabtiisii shaqo iyo aqoontiisii ciianimo.

Wuxu taliye qaybeed ka soo noqday dhamaan Lixda gobo ee Somaliland. Wuxu kale oo uu noqday Taliyihii Ciidanka Nabadgalyada Wadooyinka ama Taraafikada oo uu iyadna dhismahoogii kaalin lixaad leh oo tacab ah galiyey. Wuxu kale oo u noqday Hogaan ku xigeenka Qorshaynta Ciidanka Bilayska. Imika waa Taliyaha Ciidanka Is-gaadhsiinta Bilayska.
Hadii aynu noqono bulsho ugu abaal guda qof kaalin ku leh Qaranka Afla-gaado iyo been abuur sidaynu mustaqbalka u gaadhayna Hiigsigeenu lawada lahaa.. Markaa Maxamed Faarax baa Masaakin dhul ka dhacaya dooda odhanaysaa waa dood jaban. Bal marka isagii baloodh 24m iyo 18m uu lahaa la qorsheeyo in laga dhaco ka warama.

Waa akhiro samaan iligyadiisii…. Waar bal ciidanka iyo bulshada ha is nacsiinina kuwa dalqada wax ka arkow…