Home Arrimaha Bulshada Kastamka Magalada Wajaale Ee Qaadka Lagu Cashuuro Oo Qarka Usaaran Inuu Xidhmo...

Kastamka Magalada Wajaale Ee Qaadka Lagu Cashuuro Oo Qarka Usaaran Inuu Xidhmo iyo Sobobta

0
SHARE
Sanadkii udambeeyay waxa marba marka ka dambaysa sii yaraanayay jaadka lagu cashuuro kastamka magaalada wajaale kadib markii ganacsatada yar yar ee jaadka ku iibiya magaalada
wajaale dhinaca somaliland lagu qaaliyeeyay cashuurta arrintaasi oo sobobtay in marba marka kasii dambaysa ay ganacsatadii jaadka lasoo dagaysay ay uguuraan magaalada wajaale dhinaca Ethiopia
ilaa ay gabin ahaanba intii ugu badnayd ee lasoo dagi jirtay jaadka ugu badan ay uguureen dhinaca Ethiopia ee magaalada wajaale waxaan a ay sobobtay arrintaasi in jaadkii lagu cashuuri kastamka somaliland gabi ahaanba lagu dajiyo inta ugu badan dhinaca Ethiopia ee wajaale isla markaasina dadkii Jaadkaasi iibsan jiray ee kunoolaa dhinaca somaliland ay u doontaan daanka Ethiopia ee magaalada wajaale isla markaana qofku intii uu ku qayilayay sita kuso laabto dhinaca somaliland
waxaana halkaasi xukuumada somaliland kaga lumay dakhli badan oo kasoo xaroon jiray kastamka magaalada wajaale
hadaba markay sidaasi jirto waxaan odhan karnaa waxa sobob u ah maamul xumada kastamka magaalada wajaale oo maamulaha kaastamka cabdilaahi muxumed samriye ma aha mid khibrad dheeraada u leh habka maamulka kastamka wajaale oo kuyaala meel xuduuda
mana jirto siyaasad uu maamulku ku hago qaadlahaasi u guuray dhinaca Ethiopia. Waxaanay askartii ilaalada cashuuruhu ku jahawareereen inay kolba jiidjiitaan qof qayilkiisii dhinaca Ethiopia kasoo iibsaday taasi oo ka mashquulin karta kontarabaabka kasoo gudbaya xuduudka ku teedsan magaalada wajaale
hadaba kastamka magaalada wajaale wuxu qarka usaaran yahay inuu xidhmo hadii wax laga qaban waayo siyaasad xumada maamulka kastamka wajaale ee wakhtigan
waxaana loo baahan yahay in wasiirka maaliyadu uu keeno kastamka wajaale cid fahamsan shaqada kastamada xuduudaha kuyaala iyo habka loola macaamilo muwaadiniinta cashuur bixiyaha ah oo ay ugu badan tahay ganacsatada qaadka ka keenta dhinaca Ethiopia waxaana hubaala in kastamkii magaalada wajaale uu gurmad ubaahan yahay
LASOCO QAYBAHA DANBE
CODKA HARGEYSA.NET
GABILEY OFFICE

Chat Conversation End