Hargeysa (CH)- Siyaasi Cabdinaasir Maxamed Buuni oo hore uga tirsanaa Xisbiga UCID ayaa ka jawaabay khudbad saacad ah oo uu wasiirkii hore ee Madaxtooyadda Somalilan, Maxamuud Xaashi Cabdi u jeediyey qaar ka mid ah warbaahinta taasi oo uu ku dhaliilay Xukuumadda maanta talada haysa.
Siyaasi Buuni ayaa sheegay in Maxamuud Xaashi aanay u banaanayn in maanta uu umadda Somaliland lasoo hor istaago arrimo ku saabsan musuq iyo wax isdabamarin.